So

اَلنِّيَّةُ | Intentions

اَللَّهُمَّ إِنِّي نَوَيْتُ بِالصَّلَوٰةِ عَلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ امْتِثَالاً لِّأَمْرِكَ وَتَصْدِيقًا لِنَبِيِّكَ مُحَمَّدٍ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَمَحَبَّةً فِيهِ وَشَوْقًا إِلَيْهِ وَتَعْظِيمًا لِّقَدْرِهِ وَلِكَوْنِهِ أَهْلاً لِّذَلِكَ
Allahayow waxaan u niyaystay u-salliga Nabiga (SCW) fulinta amarkaaga dartiis, rumeeynta Nabigaaga Muxammad (SCW), jacaylkiisa, u-hiloobistiisa, qadrigiisa oo la weyneeyo, iyo isagoo u qalma darteed
فَتَقَبَّلْهَا مِنِّي بِفَضْلِكَ وَإِحْسَانِكَ وَأَزِلْ حِجَابَ الْغَفْلَةِ عَنْ قَلْبِي وَاجْعَلْنِي مِنْ عِبَادِكَ الصَّالِحِينَ.
Haddaba iga aqbal fadligaaga iyo wanaajintaada dartiis, kana saar daboolka ghaflada qalbigayga, igana yeel addoomadaada suuban
اَللَّهُمَّ زِدْهُ شَرَفًا عَلَىٰ شَرَفِهِ الَّذِيٓ أَوْلَيْتَهُ. وَعِزًّا عَلَىٰ عِزِّهِ الَّذِيٓ أَعْطَيْتَهُ.
Allahayow ugu kordhi sharaf sharaftii aad horay u siisay korkeed, iyo cisni cisnigii aad siisay korkiisa
وَنُورًا عَلَىٰ نُورِهِ الَّذِي مِنْهُ خَلَقْتَهُ وَأَعْلِ مَقَامَهُ فِي مَقَامَاتِ الْمُرْسَلِينَ. وَدَرَجَتَهُ فِي دَرَجَاتِ النَّبِيئِينَ.
Iyo nuur nuurkiisii aad ka abuurtay korkiisa, korna u qaad maqaamkiisa maqaamyada rasuullada dhexdiis, iyo heerkiisa heerarka nabiyada dhexdiis
وَأَسْئَلُكَ رِضَاكَ وَرِضَاهُ يَا رَبَّ الْعَالَمِينَ. مَعَ الْعَافِيَةِ الدَّآئِمَةِ وَالْمَوْتِ عَلَى الْكِتَابِ وَالسُّنَّةِ وَالْجَمَاعَةِ وَكَلِمَتَيِ الشَّهَادَةِ عَلَىٰ تَحْقِيقِهَا مِنْ غَيْرِ تَبْدِيلٍ وَّلَا تَغْيِيرٍ.
Waxaan ku warsanayaa raallinimadaada iyo raallinimadiisa Rabbiga caalamow, anigoo helaya caafimaad waaraya, iyo dhimasho ku sugan Kitaabka, Sunnada, iyo Jamacada, iyo labada kalmood ee marag-furka si dhab ah iyadoon la beddelin lana doorin
وَاغْفِرْ لِي مَا ارْتَكَبْتُهُ بِفَضْلِكَ وَجُودِكَ وَكَرَمِكَ يَآ أَكْرَمَ الْأَكْرَمِينَ.
Iiga dambi dhaaf wixii aan galay fadligaaga, deeqsinimadaada iyo karemkaaga, adigaa deeqsiyada u deeqsisan eh
وَصَلَّى اللَّهُ عَلَىٰ سَيِّدِنَا مُحَمَّدٍ خَاتَمِ النَّبِيِّينَ وَإِمَامِ الْمُرْسَلِينَ. وَعَلَىٰٓ ءَالِهِ وَصَحْبِهِ أَجْمَعِينَ. وَسَلَامٌ عَلَى الْمُرْسَلِينَ. وَالْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ.
Naxariista Alle ha ahaato sayidkeenna Muxammad, khatinka nabiyada iyo imaamka rasuullada, iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa dhammaantood, nabadgalyo ha ahaato rasuullada, mahadna waxaa iska leh Alle Rabbiga caalamka