أَرْوَاحُنَا تُرَوَّحْ وَالصَّدْرُ صَاحِ يُشْرَحْ
So
صَلاةُ الله على مَنْ
صَدْرُهْ بِالنُّورِ مَشْروحْ
Salliga Eebbe ha u dushoodo midkii
laabtiisa nuur lagu ballaariyey
المُصطَفَى مُحَمَّدْ
حَبِيبِ القَلبِ وَالرُّوحْ
Mustafaha la doortay ee Muxammad
gacalkii wadnaha iyo nafta
أَرْوَاحُنَا تُرَوَّحْ
وَالصَّدْرْ صَاحْ يِشْرَحْ
Naftayadu way raaxaysanaysaa
laabtiina farxad bay ku waasacantay
فِي جَاهْ طَهَ الأَفْسَحْ
فَاحْضُرْ مَعَانَا تَرْبَحْ
Darajada Daaha ee aadka u ballaaran dhexdeeda
nala joog oo waad liibaanaysaa
وَاشْرَبْ لِكَأْسٍ أَطيَبْ
وذُقْ هَوَانَا وَاطْرَبْ
Cab koobka ugu macaan
dhadhami jacaylkayaga oo la dhac
وَفِي الحِمَى تَقَرَّب
تُعْطَى الصَّفَا وَتُمْنَحْ
Barxadda xurmada leh ku soo dhowow
waxaa lagu siin doonaa degnaansho
وَاعزِمْ بِصَدْقٍ كَامِلْ
مَعْ سَادَةِ الفَضَائِلْ
Go’aan dhab ah oo kaamil ah qaado
inaad la jirto madaxda fadliga
وَجَامِعِي الشَّمَائِلْ
وُرَّاثْ طَهَ الأَمْلَحْ
Kuwa sifooyinka wanaagsan kulmiyey
ee dhaxlayaasha Daaha-ha quruxda badan
وَارْقَ إِلَى المَعَالِي
وَمُرْتَقَى الكَمَالِ
Kor ugu kac meelaha sarsare
iyo fagaaraha dhammaystirka
تَظْفَرْ بِعَيْشٍ حَالِي
تَرُوْحُ بِهْ وَتَسْرَحْ
Waxaad hantiyi doontaa nolol macaan
oo aad si xor ah ugu dhex dabbaalato
للهِ مِنْ مَقَامِ
عَالٍ وَرَافِعْ سَامِي
Maamuus baa u sugnaaday maqamka
sare ee sarreeya oo kor loo qaaday
لِخِيْرَةِ الأَنَامِ
مِنْ كُلِّ أَسْبَقْ أَصْلَحْ
Kan u khayrka badan aadanaha
ee kasta oo u horreeya uguna qumman
وُرَّاثْ طَهَ الهَادِي
وَأَجْوَدِ الأَجْوَادِ
Dhaxlayaasha Daaha-ha hanuuniyaha ah
ee ah kan ugu deeqsisan deeqsi kasta
وَجَامِعِ الأَمْجَادِ
وَكُلِّ وَصْفٍ أَمْلَحْ
Kan kulmiyey sharaf kasta
iyo sifo kasta oo aad u qurux badan
فِيْهِ المَلَاحَهْ تَمَّتْ
خَيْرَات فَضْلُهْ عَمَّتْ
Isaga dhexdiisa ayaa quruxdu ku dhammaystirantay
wanaagga fadligiisu meel walba ayuu gaadhay
لَهُ المَطَايَا أَمَّتْ
مِنْ كُلِّ رَكْبٍ أَفْلَحْ
Geela rarku waxay u soo qasdeen dhankiisa
iyagoo ka imanaya socot kasta oo liibaanay
يَافَوْزَنَا بِحُبِّهْ
نَظْفَرْ عَسَى بِقُرْبِه
Guul badanaa haddii aan isaga jeclaanno
waxaan rajaynaynaa inaan dhowaanshihiisa hantino
مَعَ خِيَارِ حِزْبِهْ
مِنْ كُلِّ صَادِقْ أَنْجَحْ
Annagoo la jirna inta u khayrka badan kooxdiisa
kuwaas oo ah kuwa runta badan ee liibaanay
هُوْ مَعْدِن النَّجَاحِ
وَالفَوْزِ وَالصَّلَاحِ
Isagu waa isha guusha
guul-gaadhka iyo qummanaantaba
وَرَاحَةُ الأَرْوَاحِ
بِهِ يَا احْبَابْ نَفْرَحْ
Iyo raaxada nafta
isaga ayaan daradiis u faraxsanahay gacalisooy
هُنَا وَفِيْ القِيَامَهْ
وَدَار لِلْمُقَامَهْ
Halkan iyo maalinta qiyaamaha
iyo guriga waaritaanka ee hoyga ah
وَتُدْرِكُ السَّلَامَهْ
سَلَامْ رَبِّي تُمْنَحْ
Waxaad heli doontaa badbaado
nabadgelyada Rabbigay ha lagu siiyo
تَحِيَّةِ الإلَهِ
لاهلِ المَقَامِ البَاهِي
Salaamaha Eebbe ha u dushoodo
dadka maqamkaas dhalaalaya iska leh
مِنْ عَارِفٍ أوَّاهِ
صَلَّى لَهُ وَسَبَّحْ
Isaga oo ka imaanaya adoon aqoon durugsan leh
oo u duceeya isaga Eebbena weyneeya
وَمُقْتَدٍ بِأَحْمَدْ
المُصْطَفَى مُحَمَّدْ
Iyo qof kasta oo ku dayanaya Axmad
Mustafaha la doortay ee Muxammad
لَهُ الإلَه يَحْمَدْ
يَمْنَحُهْ حُبُّهْ يَمْنَحْ
Kan Eebbe qudhiisu ammaanay
Isaga oo siiya jacaylkiisa, si joogto ahna ugu deeqa
يَا رَبِّ هَبْنَا حُبَّا
وَمَعْرِفَهْ وَقُرْبَا
Rabbiyow, na sii jacayl
iyo aqoontaada iyo u dhowaanshahaaga
وَأَهْلَنَا وَصَحْبَا
وَعَنَّنَا اعْفُ وَاصْفَحْ
Annaga, qoyskayaga iyo saaxiibadayadaba
naga cafi oo naga dhaaf khaladaadkayaga
وَاخْتِمْ لَنَا بِالحُسْنَى
عَلَى مَقَامٍ أَسْنَى
Noogu soo khatim wanaag
annagoo joogna maqamka ugu sarreeya
وَشُربِ كَأَسٍ أَسْنَى
نَحِبْ لِقَائَكْ نَفْرَحْ
Iyo cabista koob aad u dhalaalaya
kulankaaga ayaan jecelnahay oo aan ku faraxsanahay
نُرَافِقِ المُشَفَّعْ
ذَا القَدْرِ الأَعْلَى الأَرْفَعْ
Ha noo suurtagasho inaan weheliyo shafeecaha
ee leh darajada ugu sarraysa uguna sarreeya
فِي حَال فَوْقَ المَطْمَعْ
دُوْنُهْ جَمِيْعِ المَطْمَحْ
Xaalad ka sarraysa wax kasta oo la hantiyo
waayo hammi kastaa isaga ayuu ka hooseeyaa