بَحِبَّك وَ بَرِيدَك
Waan ku Jeclahay, waanan kuu Xiisay.
So
بَحِبَّك وَ بَرِيْدَك
وَاتْمَنَّى أَبُوس إِيدَك
Waan ku jecelahay oona ku xiisaynayaa
Waxaana hamiyaa inaan gacantaada barakaysan dhunkado
خَدَّامَك وَمُرِيدَك
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Adeegahaaga iyo muridiintaada ayaan ahay
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
حَبِيْبِي مُحَمَّد
مَفِيشْ زَيُّه اتْنِين
Gacaliyahayga Muxammadow
Ma jiro qof labaad oo kula mid ahi
حُبُّه سَاكِن قَلْبِي
يَزِيد كُلِّ اتْنَيْنِ
Jaceylkiisu qalbiygayguu deggan yahay
Oo daqiiqad walba ayuu sii kordhayaa
جَمَالُه وَ دَلَالُه
مِتْغَطِي بْجَلَالُه
Quruxdiisa iyo deecsanaantiisa xishoodka leh
Waxaa huwan haybaddiisa sare
وَتِقْعُد قْبَالُه
تُشُوفْهُم الِاتْنَيْن
Markaad horyaal fadhiisato
Labadaba (qurux iyo haybad) waad wada arkaysaa
بَحِبَّك وَ بَرِيْدَك
وَاتْمَنَّى أَبُوس إِيدَك
Waan ku jecelahay oona ku xiisaynayaa
Waxaana hamiyaa inaan gacantaada barakaysan dhunkado
خَدَّامَك وَمُرِيدَك
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Adeegahaaga iyo muridiintaada ayaan ahay
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
يَا أَجْمَل هَدِيَّة
مِنْ رَبِّ الْبَرِيَّة
Allow hadiyadda ugu quruxda badan
Ee xagga Eebaha uunka ka timid
لِكُلِّ الدُّنْيَا دِيَّا
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Ee adduunkan oo dhan loo soo diray
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
مَاهْوِنْتَ قَمَرْهَا
وَانْتَ اللِّي مُنَوِرْهَا
Adigaa ah dayaxa dunidan
Oo adigaa ah kan iftiiminaya
وَمْفَتَاح اسَرَارْهَا
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Iyo furaha sirihiisa
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
بَحِبَّك وَ بَرِيْدَك
وَاتْمَنَّى أَبُوس إِيدَك
Waan ku jecelahay oona ku xiisaynayaa
Waxaana hamiyaa inaan gacantaada barakaysan dhunkado
خَدَّامَك وَمُرِيدَك
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Adeegahaaga iyo muridiintaada ayaan ahay
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
حَبِيبِي وَعْنَيَّا
أَحْمَد ضَيّ عْنَيَّا
Gacaliyahayga iyo labadayda indhood
Axmad waa nuurka aragtidayda
أَنْتَ الْغَالِي عَلَيَّا
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Adigaa agtayda ugu qaalisana
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
وَبِنْتَك الْبَتُول
يَا عُيُونَ الرَّسُول
Iyo gabadhaadii hufnayd ee Batool
Allow indhihii Rasuulka
نَرْجُو مِنْكُم قَبُول
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Waxaan idinka rajaynaynaa aqbal
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
بَحِبَّك وَ بَرِيْدَك
وَاتْمَنَّى أَبُوس إِيدَك
Waan ku jecelahay oona ku xiisaynayaa
Waxaana hamiyaa inaan gacantaada barakaysan dhunkado
خَدَّامَك وَمُرِيدَك
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Adeegahaaga iyo muridiintaada ayaan ahay
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
شُوفْتُه أَنِي قُصَادِي
اتْكَسَفْت أَنَادِي
Markaan hortayda ku arkay
Waan xishooday inaan kuu yeero
وِبْقَلْبِي سُهَادِي يَا جَدِّي
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Qalbigayga oo ay xiiso la degi la'dahay awoowgaayow
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen
يِنْدَهْلِي وَاجِيلُه
يِفْرِشْلِي مَنْدِيلُه
Wuu ii yeerayaa anna waan u imaanayaa
Wuxuuna ii goglanayaa maradiisa barakaysan
حَبِيبِي أَنَادِيلُه
يَا جَدَّ الْحَسَنَيْن
Gacaliyahayga ayaan u yeerayaa
Allow awoowgii Xasan iyo Xuseen