صَفَتِ النَّظْرَهْ
Caddaatay Aragtidu
So
So
صَفَتِ النَّظْرَهْ طَابَتِ الْحَضْرَةْ
جَاءَتِ الْبُشْرَى لِأَهْل اللهِ
Araggu waa hufnaaday, goobtuna waa macaanaatay
Bishaaradii baa u timid ehelka Alle
قَامُوْا سُكَارَى لِذِي الْبِشَارَه
جَعْلَوْا عِمَارَهْ شُكْراً لِلّهِ
Waxay u kaceen sidii kuwa sakhraansan warka wanaagsan dartiis
Waxayna sameeyeen 'Cimara' iyagoo Alle u mahadcelinaya
أَيُّهَا الْحَاضِرْ اُذْكُرْ وَذَاكِرْ
إِيَّاكَ تُنْكِرْ حَالَ أَهْلِ اللهِ
Adiga goobjoogga ahow, xus oo xusuusi
Ka fogow inaad dafirtid xaaladda ehelka Alle
فَسَلِّمْ لَهُمْ فِيمَا عَرَاهُمْ
وَاعْلَمْ أَنَّهُمْ غَابُوْا فِي اللهِ
U dhiibo (u hoggaansan) wixii haleela
Ogowna inay ku dhex maqan yihiin Alle dhexdiis
فَالْوَجْدُ بِهِمْ دَاعِيْ يَدْعِيْهِمْ
يَطْرَأْ عَلَيْهِمْ فِيْ ذِكْرِ اللهِ
Waayo wajdigu waa yeedhe u yeedhaya
Oo ku soo dega iyagoo ku dhex jira xuska Alle
وَمَنْ لَمْ يَجِدْ فَلْيَتَوَاجَدْ
قَصْداً يَتَعَرَّضْ لِفَضْلِ اللهِ
Kii aan dareemin wajdi ha is-yeelyeelo
Isagoo kas u raadinaya fadliga Alle
هَكَذَا قَالُوْا وَلِذَا مَالَوْا
وَلَقَدْ غَالُوْا فِي ذِكْرِ اللهِ
Sidaasay yidhaahdeen, taas dhexdeedana way u lulmeen
Wayna ku dheeraadeen xuska Alle
حَتَّى قَدْ ظَنَّا مَنْ لَيْسَ مِنَّا
أَنَّا جُنِنَّا بِذِكْرِاللهِ
Ilaa uu ka maleeyey qofkii aan naga mid ahayn
Inaan ku waallannay xuska Alle
هَنِيْئاً لَنَا ثُمَّ بُشْرَانَا
إِنْ كَانَ لَنَا حُمْقٌ فِي اللهِ
Hambalyo iyo bishaaro baa noo sugnaatay
Haddii ay waallidayadu tahay mid Alle dartiis ah