أَلْفٍ صَلَّى الله عَلَى زَيْنِ الْوُجُودْ
Kun naxariis oo Alle ha u naxariisto Quruxda Jiritaanka
So
أَلْفٍ صَلَّى الله عَلَى زَيْنِ الْوُجُودْ
مَنْ سَكَنْ طَيْبَة وَخَيَّمْ في زَرُودْ
Kun naxariis ee Eebbe ha ahaato quruxda uunka
Kan degay Dayba ee xerada dhigtay Saruud
يَا بُدُورَ الْحَيِّ يَا رَبْعَ الْكِرَامْ
بَلِّغُو ظَبْيَ الْحِمَى مِنِّي السَّلَامْ
Dayaxyada reerkaay, rugtii sharafta leh
Gaadhsiiya cawsha xaramka salaantayda
إِنْ تَهَتَكْنَا عَلَيْكُمْ لَا نُلَامْ
غَلَبَ الْوَجْدُ عَلَيْنَا وَ الْغَرَامْ
Haddii aan dartiinna u fashilanno nala ma canaanan karo
Waxaa nagu adkaaday hilowga iyo kalgacalka
لَا يَنَامُ اللَّيْلَ عَاشِقْ مُسْتَهَامْ
إِنَّمَا النَّومُ عَلَى الْعَاشِقْ حَرَامْ
Habeenkii ma seexdo kii kalgacal la dakhannay
Hurdadu waa u xaaraan midka caashaqgu gubay
سَادَتِي إِنْ لَمْ تَحِنُّو بِاللِّقَا
مِتُّ وَجْدًا فَلَكُمْ طُولُ الْبَقَاء
Madaxdaydaay, haddii aydan iigu naxariisan kulan
Hilow baan u dhiman, idinkuna waara weligiin
أَنَا إِنْ لَمْ أَهْوَا غِزْلَانَ النَّقَاء
أَيُّ فَرْقٍ بَيْنَ قَلْبِي وَ الْجَمَادْ
Haddii aanan jeclaanin deerooyinka Naqaa
Maxaa u dhexeeya wadnahayga iyo dhagax aan noolayn?
آنَسَ اللهُ بِكُمْ أَوْقَاتَنَا
وَسَقَى وَادِيكُمُ فَيْضَ الْغَمَامْ
Eebbe ha noogu farxiyo waqtiyadayada idinka dartiis
Dooxadiinnana daruuraha shubmaya ha ku waraabiyo