So
الله الله الله الله سَيَّدِي الله
الله الله الله اَلْعَظِيْمُ الله
Eebbe, Eebbe, Eebbe, Eebbe, Sayidkayga Eebbe
Eebbe, Eebbe, Eebbe, Kan Weyn, Eebbe
أَيَا مُرِيْدَ اللهُ نُعِيدْ لَكْ قَوْلِ اصْغَهْ
إِذَا تَفْهَمْ قَوْلِي بِهِ تَصِلْ لِلّهْ
Doonaha Eebbow, hadalkayaga maqal aan kuu celinnee
Haddii aad garato hadalkayga, isagaad Eebbe ku gaadhaysaa
عَلَيْكَ يَا مُرِيدْ بِخَمْرَةِ التَّوْحِيدُه
وَإِنْ تَبْغِ الْمَزِيدْ فَالْغَيْرُ عَنْكَ انْسَهْ
Muridow, waxaa kugu waajib ah khamrada tawxiidka
Haddii aad kordhin rabtana, wax kasta oo kale iska illow
فَاذْكُرْ الاسْمَ الْأَعْظَمْ وَاطْوِ الْكَوْنَ تَغْنَمْ
وَخُضْ بَحْرَ الْقِدَمْ فَذَاكَ بَحْرُ الله
Magaca ugu weyn carabbaab oo koonka laabi si aad u guulaysato
Oo dhex jidba badda waarnimada, taas baa ah badda Eebbe
وَخُضْ بَحْرَ الْأَنْوَارْ وَالْمَعْنَى وَالْأَسَرَارْ
وَافْنِ هَذِي الدِّيَارْ يَبْلُغْ قَلْبُكْ مُنَاهْ
Dhex jidba badda nuurarka, macnaha iyo siraha
Oo dunidan iska dabar-goy, markaasuu qalbigaagu gaadhi doonaa rajadiisa
وَلْتَفْنَ في الْمَعْبُودْ تَذُوقْ مَعْنَى الشُّهُودُ
إِذْ لَيْسَ ذَا الْوُجُودْ إِلَّا مِنْ نُورِ الله
Isku dabar-goy Kan la caabudo dhexdiisa si aad u dhadhamiso marag-furka
Maxaa yeelay jiritaankani ma aha wax kale ee waa nuurka Eebbe
الْمُلْكُ وَالْمَلَكُوتْ كَذَاكَ الْجَبَرُوتْ
فَكُلُهَا نُعُوتْ وَالذَّاتُ مُسَمَّاهُ
Mulkiga iyo Malakuutka iyo sidoo kale Jabaruutka
Kulligood waa sifaad, Daatkuna waa kan la magacaabay
فَغِبْ عَنِ الصِّفَاتْ وَافْنَ في ذَاتِ الذَّاتْ
هَذِي تَلَوُّنَاتْ مَصِيرُهَا لِلِهُ
Ka qarsoonow sifaadka oo ku dhex fano Daatka Daatkiisa
Kuwani waa midabbo kala duwan, dhammaadkooduna waa xagga Eebbe
إِلَيْهِ الْمُنْتَهَى وَمِنْهُ الْمُبْتَدَا
وَالْآنَ قَدْ بَدَا وَالْكَوْنُ فِي حُلَاهْ
Isagaa ah meesha loo dhammaado iyo meesha laga bilaabo
Haatanna wuu muuqday, koonkuna wuxuu ku dhex jiraa quruxdiisa
لَهُ الْكَوْنُ مِرْآتْ وَمَظْهَرُ الصِّفَاتْ
مُحَمَّدْ نُورُ الذَّاتْ عَلَيْهِ صَلَّى الله
Koonku Isaga ayuu muraayad u yahay iyo meesha sifaadku ku muuqdaan
Muxammad waa nuurka Daatka, Isaga ha u naxariisto Eebbe
الْعَلَاوِيْ يَقُوْلْ قَوْلًا مِنْهُ مَقْبُولُ
تَهِيْمُ بِهِ الْعُقُولْ تَغِيبْ فِي ذَاتِ الله
Al-Calawi wuxuu leeyahay hadal isaga laga aqbalay
Oo caqligu ku wareerayo, laguna dhex lumayo Daatka Eebbe