مِنْ جَمَالِ الْكَوْنِ خَمْرِي
Quruxda koonka ayuu ka yimaadaa khamrigaygu
So
مِنْ جَمَالِ الْكَوْنِ خَمْرِي
ذَقْتُهُ صِرْفاً حَلَالَا
Quruxda kownka ayuu ka yimid khamrigaygu
Waxaan dhadhamiyey isagoo saafi ah oo xalaal ah
وَهْوَ مِنْ أَوْصَافِ بَدْرِي
قَدْحَوَى ذَاكَ الْجَمَالَا
Waa sifooyinka bishayda dhamayska tiran
Oo koobtay dhammaan quruxdaas dhammaystiran
وَجْهٌ قَدْ لَاحَ سَنَاهْ
وَالْكَوْنُ غَدَا مِرْآهْ
Waji uu iftiinkiisu soo bidhaamay
Kownkuna uu u noqday muraayad
إِنْ رُمْتَ فُؤَادِي لِقَاهْ
فَاجْعَلْ هَوَاكَ هَوَاهْ
Haddii aad qalbiyo doonayso la kulankiisa
Markaas ka dhig jaceylkaaga mid la jaanqaada kiisa
أَنَا بِالْرُّوْحِ سَمَاءُ
أَنَا بِالْجِسْمِ هَبَاءُ
Anigu xagga ruuxa waxaan ahay samo
Xagga jirkana waxaan ahay boodh tirtirmo
أَنَا زَهْرٌ أَنَا مَاءُ
تِهْتُ مِنْ وَجْدِي دَلَالَا
Waxaan ahay ubax, waxaan ahay biyo
Oo dhex lumay macaanka xaaladayda jaceyl
وَالْرُّوْحُ رَقَى مَرْقَاهْ
وَالْقَلْبُ غَدَا يَرْعَاهْ
Ruuxduna waxay kor ugu kacday darajadeedii
Qalbiguna wuxuu noqday mid ilaaliya
وَالْجِسْمُ سَعَى مَسْعَاهْ
لِيَنَالَ بِذَاكَ مُنَاهْ
Jirkuna wuxuu u degdegay jidkiisii
Si uu ugu gaaro halkaas hammigiisa
يَا عَذُوْلاً لَامَ جَهْلاً
مُغْرَماً قَدْ نَالَ وَصْلَا
Maage jahli darteed u canaananaya
Mid jaceyl la dhacay oo gaaray wehelka
إِنْ تَلُمْ صِدْقاً سَتُبْلَى
وَتَذُوْقُ الْحُبَّ حَالاَ
Haddii aad dhab u canaanato waa lagu tijaabin
Waxaadna dhadhamin doontaa jaceylka isla markiiba
بِفَنَائِكَ عَنْ سِوَاهْ
تَأْوِيْ لِفِنَاءِ بَقَاهْ
Markaad ka tirtiranto wax kasta oo aan Isaga ahayn
Waxaad magan gelaysaa barxadda joogtayntiisa
وَبِبَرْدِ شَرَابِ رِضَاهْ
يُطْفِي الْفُؤَادُ جَوَاهْ
Qaboowga cabitaanka raallinimadiisa
Ayaa bakhtiiya gubashada jaceylka ee wadnaha
صَلَوَاتُ اللهِ تُهْدَى
مِنْ جَمِيْعِ الْطِّيْبِ أَنْدَى
Naxariista Eebbe ha lagu hadiyeeyo
Mid ka carfa badan dhammaan cadarrada
لِرَسُوْلٍ قَدْ تَبَدَّى
نُوْرُهُ يَمْحُو الْضَّلَالَا
Rasuulka soo muuqday ee la doortay
Kaas oo nuurkiisu masaxayo baadiyaha
بِسَلامٍ لا يَتَنَاهْ
وَالْاَلِ أُهَيْلِ الْجَاهْ
Iyo nabad aan dhammaad lahayn
Iyo ehelkiisii ahaa dadka sharafta leh
وَالْصَّحْبِ وَمَنْ وَالَاهْ
وَجِيْعِ رِجَالِ الله
Saaxiibadiis iyo kii raacaba
Iyo dhammaan raggii Alle u go’ay