رَسُولَ إِلَهِ الْعَالَمِينَ تَعَالَى
Rasuulkii Eebaha Caalamka ee Sarreeya
So
رَسُولَ إِلَــهِ الْعَالَمِيـــــنَ تَعَالَـى
خَدِيمُكَ نَادَى يَا رَسُولُ تَعَـــالاَ
Rasuulkii Eebbaha caalamka ee korreeyoow
adeegehaagii baa dhawaaqay: Rasuulow ii soo dhowow!
خَدِيمُكَ نَادَى يَا رَسُولُ فَلاَ أُرَى
فَقِيرًا إِلَى غَيْــرِ الْإِلَـــهِ تَعَالَــى
Adeegehaagii baa dhawaaqay Rasuulow, si aan la ii arkin
anoo qof kale u tabaalaysan Eebbe korreeye mooyee
خَدِيمٌ بِأَقْصَى الْغَرْبِ يَدْعُو مُحَمَّــدًا
وَلَيْسَ يَرَى غَيْرَ الْرَّسُـــولِ ثِمَـالاَ
Adeege galbeedka fog jooga ayaa u yeeraya Maxamed
isagoo aan arkayn gabbaad aan Rasuulka ahayn
خَدِيمٌ ثَـوَى بِالْبَابِ وَهْــــوَ مُؤَمِّــلٌ
إِيَابًا كَرِيمًــــا وَهْـوَ جَيْــرِ أَطَــالاَ
Adeege albaabka soo istaagay isagoo rajaynaya
soo dhoweyn sharaf leh, inkastoo uu muddaba sugayay
تَصَاغَرَ عِنْدِي غَيْرُ أَحْمَــدَ إِنَّنِــي
أُرَجِّي مِنَ الْهَــادِي الْعِبَــادِ مَنَـالاَ
Cid kasta oo Axmed ahayn agtayda waa ku yaraatay
waxaan ka sugayaa hanuuniyaha addoomada hadiyad weyn
كَرِيمَ الْسَّجَايَا وَاسِعَ الْجُودِ مَا تَرَى
لِضَيْـــــفِ كَرِيــمٍ قَــدْ أَجَادَ مَقَــالاَ
Midka dabeecadda suuban iyo deeqda ballaaran lehow, maxaad u qabataa
marti u yimid mid deeqsi ah oo codsigiisana si habboon u dhiibtay
فَهَبْهُ عَلَى مِقْدَارِ كَفِّــكَ مُصْطَفَى الْ
بَرَايَــا عَطَاءً لاَ يَخَــافُ زَوَالاَ
Sii isaga, inta ay gacantaada deeqsiga ahi le’egtahay
midka makhluuqa laga doortow, deeq aan dhammaad lahayn
فَفِي كُلِّ حَيٍّ قَدْ خَبَطْتَ بِنِعْمَــةٍ
وَإِنِّي كَشأْسٍ قَــدْ أَرُومُ نَــوَالاَ
Uun kasta oo noolba nimco baad ku mannaystay
aniguna sidii mid tabaalaysan baan deeqdaada u hanqal taagayaa
عَلَيْكَ صَـــلاَةُ اللّٰهِ ثُــمَّ سَلاَمُــهُ
وَتَشْمَلُ أَصْحَابَ الْنَّبِـــيِّ وَآلاَ
Korkiisa ha ahaato naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisu
oo ay weheliyaan asxaabta Nabiga iyo ehelkiisaba