فَيَا نَفَحَاتِ اللهِ يَا عَطَفَاتِهِ
O Divine Breaths of Allah, O His Affections
So
فَيَا نَفَحَاتِ اللهِ يَا عَطَفَاتِهِ
وَيَا جَذَبَاتِ الْحَقِّ جُودِي بِزَوْرَةِ
Naheyda Eebbow iyo naxariistiisaay
Soo-jiidashada Xaqaay nagu deeq booqasho.
وَيَا نَظَرَاتِ اللّهِ يَا لَحَظَاتِهِ
وَيَا نَسَمَاتِ اللُّطْفِ أُمِّى بِهَبَّةِ
Eegmada Eebbow iyo jalleecadiisaay
Neefta turaantiradaay noogu imaw hadiyad.
وَيَا غَارَةَ الرَّحْمَانِ جُدِّىْ بِسُرْعَةِ
إِلَيْنَا وَحُلِّى عَقْدَ كُلِّ مُلِمَّةِ
Gurmadka Raxmaanow noogu soo degdeg
Oo fur guntinka dhib kasta oo nagu habsaday.
وَيَا رَحْمَةَ الرَّبِّ الرَّحِيْمِ تَوَجَّهِىْ
وَأَحْيِىْ بِرُوْحِ الفَضْلِ كُلَّ رَمِيْمَةِ
Naxariista Rabbiga Raxiimka ahow soo jeeso
Oo ku noolee ruuxda fadliga laf kasta oo qudhuntay.
وَيَاكُلَّ أَبْوَابِ الْقَبُولِ تَفَتَّحِىْ
فَإِنَّ مَطَايَا الْقَصْدِ نَحْوَكَ أَمَّتِ
Albaabbada aqbaladda oo idillow furfura
Waayo rukuubkii ujeeddada adiga ayay kuu soo jihaysteen.
وَيَاسُحُبَ الْجُوْدِ الْإِلَهِيِّ أَمْطِرِىْ
فَإِنَّ أَكُفَّ الْمَحْلِ تِلْقَاكِ مُدَّتِ
Daruuraha deeqda rabaaniga ahow soo hoora
Waayo calaacalihii abaartu xagaaga ayay u fidsan yihiin.
بِحُرْمَةِ هَادِيْنَا وَمُحْيِيْ قُلُوْبِنَا
وَمُرْشِدِنَا نَهْجَ الطَّرِيْقِ الْقَوِيْمَةِ
Sharafta hanuuniyahayaga iyo nooleeyaha qalbiyadayada
Iyo hagahayaga jidka toosan ee qumman.
دَعَانَا إِلَى حَقٍّ بِحَقٍّ مُنَزَّلٍ
عَلَيْهِ مِنَ الرَّحْمَانِ أَفْضَلَ دَعْوَةِ
Wuxuu noogu yeedhay xaq isagoo wata xaq loo soo dejiyey
Isaga oo ka yimid Raxmaanka, baaqii u fadliga badnaa.
أَجَبْنَا قَبِلْنَا مُذْعِنِيْنَ لِأَمْرِهِ
سَمِعْنَا أَطَعْنَا عَنْ هُدىً وَبَصِيْرَةِ
Waanu aqbalnay waanu oggolaannay annagoo amarkiisa u hoggaansan
Waanu maqalnay waanu adeecnay annagoo hanuun iyo garasho lehn.
فَيَارَبِّ ثَبِّتْنَا عَلَى الْحَقِّ وَالْهُدَى
وَيَارَبِّ اِقْبِضْنَا عَلَى خَيْرِ مِلَّةِ
Rabbiyow nagu sug xaqa iyo hanuunka
Rabbiyow nagu oofso diinta tan ugu khayrka badan.
وَعُمَّ أُصُوْلاً وَالْفُرُوْعَ بِرَحْمَةٍ
وَأَهْلاً وَأَصْحَاباً وَكُلَّ قَرَابَةِ
Naxariista ku wada baahi asalka iyo laamaha
Iyo ehelka, asxaabta iyo qaraabo kasta.
وَسَائِرِ أَهْلِ الدِّيْنِ مِنْ كُلِّ مُسْلِمٍ
أَقَامَ لَكَ التَّوْحِيْدَ مِنْ غَيْرِ رِيْبَةِ
Iyo dhammaan ehelka diinta ee muslim kasta ah
Kuwa kuu taagay tawxiidka iyagoon shaki qabin.
وَصَلِّ وَسَلِّمْ دَائِمَ الدَّهْرِ سَرْمَداً
عَلَى خَيْرِ مَبْعُوْثٍ إِلَى خَيْرِ أُمَّةِ
Ku sallee oo ku bariyi weligaa iyo waqti kasta
Kan u khayrka badan ee loo soo diray ummadda u khayrka badan.
مُحَمَّدٍ الْمَخْصُوْصِ مِنْكَ بِفَضْلِكَ
الْعَظِيْمِ وَإِنْزَالِ الْكِتَابِ وَحِكْمَةِ
Muxammad kii aad ku gaar yeeshay fadligaaga
Weyn, iyo soo dejinta Kitaabka iyo xigmadda.