يَمِّمْ نَحْوَ الْمَدِينَةْ تَرَى الْأَنْوَارْ    
Abbaar dhanka Madiina waxaad arki doontaa nuuraanta.
So
يَمِّمْ نَحْوَ الْمَدِينَةْ تَرَى الْأَنْوَارْ    
وَاقْصُدْ حِمَى نَبِيِّنَا طَهَ الْمُخْتَارْ
Abbaar dhanka Madiina waxaad arki doontaa nuuraanka
Oo tiirso maganta nebiyeenna Daaha kii la doortay
مُحَمَّدْ يَا أَبَا الْزَّهْرَا نَرْجُو نَظْرَةْ    
أَرَى الْقُبَّةَ الْخَضْرَا لَيْلًا وَنَهَارْ
Muxammadow, aabbaha Zahraay, waxaan rajaynaynaa jalleeco
Waxaan arkaa qubbadda cagaaran habeen iyo dharaarba
مُحَمَّدْ يَا أَبَا الْقَاسِمْ إِنِّي هَائِمْ    
عَسَى تَقْبَلْنِيْ خَادِمْ أَنَا وَالْحُضَّارْ
Muxammadow, aabbaha Qaasimow, anigu jacaylkaaga ayaan la dhex wareegayaa
Waxaa la rajaynayaa inaad adeege ii aqbasho aniga iyo dadkan goob-joogga ahba
فَامْدُدْ يَدَكْ وَالْبَاعَا وَالْذِّرَاعَا    
وَاطْلُبْ مِنْهُ الْشَّفَاعَةْ وَقْتَ الْأَسْحَارْ
Haddaba fidi gacantaada, cududdaada iyo gacan-fidsigaaga
Isagana ka dalbo shafeeco xilliyada saharda ah
وَقِفْ حَوْلَ الْضَّرِيحِ يَا فَصِيحِ  
وَاغْسِلْ قَلْبَ الْجَرِيحِ مِنَ الْأَْكْدَارْ
Istaag qabriga barakaysan hareerihiisa adigoo codkar ah
Oo ka mayr wadnaha dhaawacan dhammaan murugada iyo masiibooyinka