رَبِّي لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى
Rabbigayga Ayaa Leh Magacyada Ugu Quruxda Badan
So
رَبِّي لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى
تُسَبِّحْ لَهُ الْأكْوَانْ
Rabbigay waxaa u sugnaaday magacyada san
uunka oo dhanna isagaa weyneeya
إِلَيْهِ يَرْجِعُ كُلُّ أَمْرٍ
كُلُّ زَمَانٍ وَكُلَّ مَكَانْ
Isaga ayay u noqotaa arrin walbaaba
goor kasta iyo goob kasta
إِذَا دَعَوْتْ فَادْعُ الْإِلَهْ
وَإِنِ اسْتَجَرْتَ فَلُذْ بِاللَّهْ
Markaad baryootamayso Ilaaha kaliya bari
haddaad magan gashidna Alle magan gal
مَا لَنَا مَوْلًى سِوَاهْ
عَفُوٌّ كَرِيمٌ وَرَحْمَانْ
Ma lihin gargaare isaga ka sokeeya
waa dambi-dhaafe, deeqsi, naxariis badane ah
رَبِّي لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى
تُسَبِّحْ لَهُ الْأكْوَانْ
Rabbigay waxaa u sugnaaday magacyada san
uunka oo dhanna isagaa weyneeya
إِلَيْهِ يَرْجِعُ كُلُّ أَمْرٍ
كُلُّ زَمَانٍ وَكُلَّ مَكَانْ
Isaga ayay u noqotaa arrin walbaaba
goor kasta iyo goob kasta
اتَّقِ اللَّهْ وَلَهُ اِصْبِرْ
فَالْصَّبْرُ فِي الْعُقْبَى حَمِيدْ
Alle ka cabso dartiisna u samir
waayo samirku aakhirka waa mid la ammaanay
وَتَزَوَّدْ عِلْمًا وَبَيَانًا
مِنَ الْسُّنَّةِ وَالْقُرْآنْ
Sahayso cilmi iyo aqoon cad
oo laga soo xigtay Sunnada iyo Qur'aanka