خُذْ مَا صَفَا وَدَعِ الْكَدَر
Qaado Wixii Saafi Ah, Iskana Daa Wixii Kaxan Ah
So
يَا رَبَّنَا يَا رَبَّنَا
غِثْنَا بِقُرْبِ الـْمُصْطَفَى
Rabbiyow, Rabbiyow
nagu gargaar dhawaanshaha Al-Mustafa
وَ ارْحَمْ إِلَهِي ضَعْفَنَا
بِٱلْمُصْطَفَىٰ خَيْرِ ٱلْبَشَرْ
Ilaahayow u naxariiso daciifnimadayada
adigoo u maraya Al-Mustafa oo ah kan dadka ugu khayrka badan
خُذْ مَا صَفَا وَدَعِ الْكَدَرْ
وَكِلِ الْأُمُورَ إلى الْقَدَرْ
Qaado waxa saafi ah, iskana dhaaf waxa dhibka leh
arrimahana u xilsaar qadarta Eebbe
مَهْمَا غُلِبْتَ كَمَا أَمَرْ
هَادِي الْوَرَى خَيْرُ الْبَشَرْ
Mar kasta oo lagaa adkaado yeel sidii uu amray
kan dadka hagey, oo ah kan ugu wanaagsan bini-aadamka
إِنَّ الْأُمُورَ جَرَى بِهَا
قَلَمٌ عَلَى الْلَّوْحِ الْأَغَرْ
Xaqiiqdi arrimaha oo dhan waxaa qoray
qalin ku dul socday Looxa iftiimaya
فِي سَابِقِ الْعِلْمِ الْقَدِيمْ
مِنْ قَبْلِ إِيجَادِ الْصُّوَرْ
Cilmigii hore ee jirey
ka hor intaan la abuurin suuradaha
يَا رَبَّنَا يَا رَبَّنَا
غِثْنَا بِقُرْبِ الـْمُصْطَفَى
Rabbiyow, Rabbiyow
nagu gargaar dhawaanshaha Al-Mustafa
وَ ارْحَمْ إِلَهِي ضَعْفَنَا
بِٱلْمُصْطَفَىٰ خَيْرِ ٱلْبَشَرْ
Ilaahayow u naxariiso daciifnimadayada
adigoo u maraya Al-Mustafa oo ah kan dadka ugu khayrka badan
وَدَعِ الْهُمُومَ فَإِنَّهَا
يَا صَاحِبِي مَحْضُ الْضَّرَرْ
Iska daa welwelka, waayo isagu
saaxiibow waa dhibaato cad
وَاغْنَمْ زَمَانَكَ وَاسْتَرِحْ
مِنْ لَوْ وَلِمْ تَلْقَ الْظَّفَرْ
Ka faa'iidayso waqtigaaga oo naso
ka fogow "haddii" iyo "maxay u dhacday", markaas ayaad guul gaadhiye
وَارْجِعْ إِلَى اللَّهِ إِذَا
مَالَحَّ خَطْبٌ أَوْ عَصَرْ
Xagga Eebbe u noqo had iyo jeer
marka dhib adagi kugu dhaco ama ku ciriiriyo
وَإِذَا بُلِيتَ بِمِحْنَةٍ
فَاصْبِرْ لَهَا فِيمَنْ صَبَرْ
Haddii lagu imtixaano dhibaato
u samir adigoo ka mid ah kuwa samra
يَا رَبَّنَا يَا رَبَّنَا
غِثْنَا بِقُرْبِ الـْمُصْطَفَى
Rabbiyow, Rabbiyow
nagu gargaar dhawaanshaha Al-Mustafa
وَ ارْحَمْ إِلَهِي ضَعْفَنَا
بِٱلْمُصْطَفَىٰ خَيْرِ ٱلْبَشَرْ
Ilaahayow u naxariiso daciifnimadayada
adigoo u maraya Al-Mustafa oo ah kan dadka ugu khayrka badan
مِنْ كُلِّ بَرٍّ مُوقِنٍ
مُتَوَقِّرٍ عِنْدَ الْغِيَرْ
Ka mid noqo qof kasta oo suuban oo yaqiinsan
oo deggan marka ay xaaladuhu is beddelaan
وَإِذَا خُصِصْتَ بِنِعْمَةٍ
فَاشْكُرْ مَعَ مَنْ قَدْ شَكَرْ
Haddii lagu siiyo nicmo gaar ah
mahadnaq adigoo ka mid ah kuwa mahadnaqa
لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينْ
تُعْطَ الْمَزِيدَ كَمَا ذَكَرْ
U mahadnaq Eebbaha caalamiinta
waxaa lagu siin doonaa kordhin sidii uu sheegay
وَاعْمَلْ لِنَفْسِكَ صَالِحًا
تَنْجُو بِهِ مِنْ كُلِّ شَرْ
Naftaada u samee camal suuban
kaas ayaad kaga badbaadi doontaa shar kasta
يَا رَبَّنَا يَا رَبَّنَا
غِثْنَا بِقُرْبِ الـْمُصْطَفَى
Rabbiyow, Rabbiyow
nagu gargaar dhawaanshaha Al-Mustafa
وَ ارْحَمْ إِلَهِي ضَعْفَنَا
بِٱلْمُصْطَفَىٰ خَيْرِ ٱلْبَشَرْ
Ilaahayow u naxariiso daciifnimadayada
adigoo u maraya Al-Mustafa oo ah kan dadka ugu khayrka badan
وَتَفُوزُ بِالْحُسْنَى وَبِالْــــ
ــــجَنَّاتِ دَارِ الْمُسْتَقَرْ
Waxaadna ku guulaysan doontaa wanaagga u weyn iyo
Jannooyinka oo ah hoyga nagaadiga
دَارِ الْبَقَا دَارِ الْنَّعِيمْ
دَارِ الْكَرَامَةِ وَالْنَّظَرْ
Hoyga waaridda iyo hoyga nicmada
hoyga sharafta iyo aragtida (Eebbe)
وَأَعِدَّ زَادَكَ لِلْمَعَادْ
مِنْ قَبْلِ يَفْجَاكَ الْحَذَرْ
Diyaarso sahaydaada maalinta loo noqonayo
ka hor intaanay kugu soo kedin geerida aad ka digtoon tahay
فَالْمَوْتُ آتٍ عَنْ قَرِيبْ
وَلَعَلَّ يَوْمَكَ قَدْ حَضَرْ
Geeridu waxay imaanaysaa dhowaan
laga yaabaana in maalintaadii ay timid
يَا رَبَّنَا يَا رَبَّنَا
غِثْنَا بِقُرْبِ الـْمُصْطَفَى
Rabbiyow, Rabbiyow
nagu gargaar dhawaanshaha Al-Mustafa
وَ ارْحَمْ إِلَهِي ضَعْفَنَا
بِٱلْمُصْطَفَىٰ خَيْرِ ٱلْبَشَرْ
Ilaahayow u naxariiso daciifnimadayada
adigoo u maraya Al-Mustafa oo ah kan dadka ugu khayrka badan
يَا رَبُّ أَنْتَ الْمُبْتَغَى
وَالْمُرْتَجَى وَالْمُدَّخَرْ
Rabbiyow adigaa ah kan la doonayo
kan la rajaynayo, iyo kan loo kaydsado
يَا رَبَّنَا فَاسْتُرْ وَسَا
مِحْ أَنْتَ أَكْرَمُ مَنْ سَتَرْ
Rabbiyow noo astur oo noo dambi dhaaf
adigaa ugu deeqsinimo badan kuwa wax astura
يَا رَبَّنَا وَانْظُرْ إِلَيـْــــ
ـــنَا أَنْتَ أَحْسَنُ مَنْ نَظَرْ
Rabbiyow nagu soo eeg naxariis
adigaa ugu wanaagsan kuwa wax eega
يَا رَبَّنَا وَاخْتِمْ لَنَا
بِالْخَيْرِ إِنْ حَانَ الْسَّفَرْ
Rabbiyow noogu khatim khayr
marka la gaaro waqtiga socdaalka
يَا رَبَّنَا يَا رَبَّنَا
غِثْنَا بِقُرْبِ الـْمُصْطَفَى
Rabbiyow, Rabbiyow
nagu gargaar dhawaanshaha Al-Mustafa
وَ ارْحَمْ إِلَهِي ضَعْفَنَا
بِٱلْمُصْطَفَىٰ خَيْرِ ٱلْبَشَرْ
Ilaahayow u naxariiso daciifnimadayada
adigoo u maraya Al-Mustafa oo ah kan dadka ugu khayrka badan
ثُمَّ الصَّلَاةُ عَلَى الرَّسُولْ
خَيْرِ الْبَرِيَّةِ مِنْ مُضَرْ
Ka dibna salawaat ha ahaato Rasuulka
uunka kan ugu khayrka badan ee ka dhashay Mudar
خَتْمِ الْنَّبِيِّينَ الْكِرَامْ
نِعْمَ الْمَصَابِيحُ الْغُرَرْ
Khatimkii nabiyada sharafta leh
ee ahaa siraadyada iftiimaya ee ugu wanaagsan
وَآلِهِ وَاصْحَابِهِ
وَالتَّابِعِينَ عَلَى الْأَثَرْ
Ehelkiisa, saxaabadiisa
iyo kuwa raacay wadadii ay mareen
مَا هَبَّتِ الـــنَّسَمَاتُ بِالْــــ
ــــعَرْفِ الْمُعَنْبَرِ في الْسَّحَرْ
Inta ay dhacayso neecawda
xambaarsan udgoonka canbarka waqtiga saharda
يَا رَبَّنَا يَا رَبَّنَا
غِثْنَا بِقُرْبِ الـْمُصْطَفَى
Rabbiyow, Rabbiyow
nagu gargaar dhawaanshaha Al-Mustafa
وَ ارْحَمْ إِلَهِي ضَعْفَنَا
بِٱلْمُصْطَفَىٰ خَيْرِ ٱلْبَشَرْ
Ilaahayow u naxariiso daciifnimadayada
adigoo u maraya Al-Mustafa oo ah kan dadka ugu khayrka badan
أَوْ غَرَّدَتْ وُرْقُ الْحِمَى
فَوْقَ الْغُصُونِ مِنَ الْشَّجَرْ
Ama ay foodhiyaan qamaamiirta
dushooda laamaha geedaha