عَطْفَةً يَا جِيرَةَ ٱلْعَلَمِ
Jaleeco naxariis leh, deriska Xaramkow
So
So
عَطْفَةً يَا جِيرَةَ ٱلْعَلَمِ
يَا أُهَيْلَ ٱلْجُودِ وَٱلْكَرَمِ
Jaleeco naxariis leh, allow deriska calanka weyn,
Allow reerka deeqda iyo karaamada leh.
نَحْنُ جِيرَانٌ بِذَا ٱلْحَرَمِ
حَرَمِ ٱلْإِحْسَانِ وَٱلْحَسَنِ
Waxaanu nahay deriska xaramkan,
Xaramka samafalka iyo wanaagga.
نَحْنُ مِنْ قَوْمٍ بِهِ سَكَنُوا
وَبِهِ مِنْ خَوْفِهِمْ أَمِنُوا
Waxaanu ka mid nahay qolo dhex degtay,
Oo cabsida kaga ammaan gashay dhexdiisa.
وَبِآيَاتِ ٱلْقُرَانِ عُنُوا
فَٱتَّئِدْ فِينَا أَخَا ٱلْوَهَنِ
Oo aayadaha quraanka ku foognaa,
Haddaba noo tudh walaalka itaal darradow.
نَعْرِفُ الْبَطْحَا وَتَعْرِفُنَا
وَالصَّفَا وَالْبَيْتُ يَأْلَفُنَا
Waxaan garanaynaa Batha, iyaduna way na garanaysaa,
Safa iyo Kacbaduna way nagu barteen.
وَلَنَا الْمُعْلَا وَخَيْفُ مِنَى
فَاعْلَمَنْ هَذَا وَكُنْ وَكُنِ
Waxaanu leenahay Mu'alla iyo Khayfka Mina,
Haddaba tan ogow oo hubi.
وَلَنَا خَيْرُ الْأَنَامِ أَبُ
وَعَلِيُّ الْمُرْتَضَى حَسَبُ
Aabbe waxaa noo ah uunka kii ugu khayr badnaa,
Cali Al-Murtadana waa sharafta abtirsiinyadayada.
وَإِلَى السِّبْطَيْنِ نَنْتَسِبُ
نَسَبًا مَا فِيهِ مِنْ دَخَنِ
Labada wiil ee uu dhalay ayaanu u abtirsanaa,
Abtirsiin aanay wax iin ahi ku jirin.
كَمْ إِمَامٍ بَعْدَهُ خَلَفُوا
مِنْهُ سَادَاتٌ بِذَا عُرِفُوا
Immisa imaan ayaa ka dambeeyay oo ay ka tageen,
Kuwaas oo ah sayidyo arrintan lagu yaqaan.
وَبِهَذَا الْوَصْفِ قَدْ وُصِفُوا
مِنْ قَدِيمِ الدَّهْرِ وَالزَّمَنِ
Tilmaantan ayaana lagu tilmaamay,
Tan iyo waagii hore iyo waayadan dambe.
مِثْلِ زَيْنِ الْعَابِدِينَ عَلِي
وَابْنِهِ الْبَاقِرِ خَيْرِ وَلِي
Sida Cali Saynul Caabidiin,
Iyo wiilkiisa Baaqir oo ah walliga ugu khayr badan.
وَالْإِمَامِ الصَّادِقِ الْحَفِلِ
وَعَلِيٍّ ذِي الْعُلَا الْيَقِنِ
Iyo Imaan Saadiq kii sifooyinka sharafta leh lahaa,
Iyo Cali kii darajada sare iyo hubaasha lahaa.
فَهُمُ الْقَوْمُ الَّذِينَ هُدُوْا
وَبِفَضْلِ اللهِ قَدْ سَعِدُوا
Waa qoladaas kuwa la hanuuniyay,
Fadliga Alle ayayna ku liibaaneen.
وَلِغَيْرِ اللهِ مَا قَصَدُوا
وَمَعَ الْقُرْآنِ فِي قَرَنِ
Alle mooyee cid kale ma ay u jeedan,
Quraankana marna kama ay harin.
أَهْلُ بَيْتِ الْمُصْطَفَى الطُّهْرِ
هُمْ أَمَانُ الْأَرْضِ فَادَّكِرِ
Ehelu-baytka Nabiga la doortay ee daahirka ah,
Waa ammaanada dhulka ee xasuuso.
شُبِّهُوا بِالْأَنْجُمِ الزُّهْرِ
مِثْلَ مَا قَدْ جَاءَ فِي السُّنَنِ
Waxaa loogu masaalay xiddigaha iftiimaya,
Sida ay ku timid sunnada iyo axadiista.
وسَفِنٌ لِلنَّجَاةِ إِذَا
خِفْتَ مِنْ طُوفَانِ كُلِّ أَذَى
Waana doonyaha badbaadada marka,
Aad ka cabsato duufaanka dhib kasta.
فَانْجُ فِيهَا لَا تَكُونُ كَذَا
وَاعْتَصِمْ بِاللهِ وَاسْتَعِنِ
Ku badbaad dhexdooda oo ha noqon mid luma,
Alle ku dhegganow oo isaga gargaar weydiiso.
رَبِّ فَانْفَعْنَا بِبَرْكَتِهِمْ
وَاهْدِنَا الحُسْنَى بِحُرْمَتِهِمْ
Rabbiyow nagu anfici barakooda,
Naguna hanuuni wanaagga sharaftooda dartiis.
وَأَمِتْنَا فِي طَرِيقَتِهِمْ
وَمُعَافَاةٍ مِنَ الفِتَنِ
Naguna dhim dhabadooda iyo jidkooda,
Annagoo ka nabadgalay fitnooyinka.
ثُمَّ لَا تَغْتَرَّ بِالنَّسَبِ
لَا وَلَا تَقْنَعْ بِــكَانَ أَبِي
Haddana ha isku hodwin abtirsiinyada,
Ha ku qancin odhaahda "Aabbahay wuxuu ahaa".
وَاتَّبِعْ فِي الهَدْيِ خَيْرَ نَبِي
أَحْمَدَ الهَادِي إِلَى السُّنَنِ
Waxaad raacdaa hanuunka Nabiga khayrka badan,
Axmed kii u hanuuniyay jidka toosan.
فَهُوَ خَتْمٌ لِلنَّبِيِّينَا
وَإِمَامٌ لِلْمُطِيعِينَا
Waayo isagu waa khatinkii nabiyada,
Waana imaamka kuwa adeeca Alle.
وَلِساَنٌ لِلْمُجِيبِينَا
يَوْمَ نُودُوا خَيْرَ مُؤْتَمَنِ
Waana carrabka u dooda kuwa ajiibay,
Maalinta loogu yeedho kii u aaminka badnaa.
صَلَوَاتُ اللهِ ذِي الكَرَمِ
تَتَغَشَّى المُصْطَفَى العَلَمِ
Salliga Alle ee deeqda leh,
Ha daboolo kii la doortay ee calanka hanuunka ah.
مَا سَرَى رَكْبٌ إِلَى الحَرَمِ
وَصَبَا صَبٌّ إِلَى سَكَنِ
Inta geeddi u socdo xaramka,
Inta qof jecelna uu u xiisayo hoygiisa.
وَعَلَى آلِ النَّبِيِّ الكُرَمَا
وَعَلَى أَصْحَابِهِ العُلَمَا
Iyo ehelka Nabiga ee sharafta leh,
Iyo asxaabtiisa aqoonta badan.
وَعَلَى أَتْبَاعِهِ الحُكَمَا
وَأُولِي الأَلْبَابِ وَالفِطَنِ
Iyo raaciyadiisa xikmadda leh,
Iyo inta garashada iyo garaadka leh.