لِي فِي المَدِينَةِ أَحْبَابٌ إِذَا نَظَرُوا
I Have Beloveds In Medina; When They Gaze Upon Me
So
لِي فِي المَدِينَةِ أَحْبَابٌ إِذَا نَظَرُوا
إِلَيَّ وَلَّتْ هُمُومِي وَانْجَلَى الضَّرَرُ
Magaalada waxaan ku leeyahay gacal hadday i eegaan
Welwelkaygu wuu tagaa dhibaataduna way burtaxdaa
وَأَصْبَحَ القَلْبُ فِي أُنْسٍ وَفِي فَرَحٍ
جَمٍّ وَصَاحَبَنِي التَّوْفِيقُ وَالظَّفَرُ
Qalbigu wuxuu noqdaa mid wehel iyo farxad weyn ku jira
Waxaana i weheliya guul iyo libin joogto ah
يَا أَهْلَ طَيْبَةَ هَيَّا إِنَّنِي دَنِفٌ
وَإِنَّنِي لِلَّذِي أَمَّلْتُ مُنْتَظِرُ
Reer Dayboow kaalaya waayo anigu waan xanuunsanahay
Waxaanan sugayaa wixii aan xaggiinna ka rajeeyey
جَرَتْ عَوَائِدُكُمْ أَنَّ المُحِبَّ إِذَا
نَادَاكُمُ بِلِسَانِ الحُبِّ يَنْجَبِرُ
Waxay caadadiinnu tahay in kii wax jecel hadduu idiin yeedho
Isagoo adeegsanaya carrabka jacaylka inuu bogsado
وَالحُبُّ مِلْءُ جَنَانِي بَلْ تَجَسَّمَ فِي
شَخْصٍ عَلَى صُورَتِي إِنْ دَلَّتِ الصُّوَرُ
Jacaylka ayaa buuxiyey laabtayda xataa wuxuu ku jidhoobay
Shaqsiyaddayda haddii ay muuqaalladu wax tilmaamayaan
يَا سَيِّدَ الرُّسْلِ أَدْرِكْنِي فَمَا بَقِيَتْ
لِي حِيلةٌ غَيْرُ حُبٍّ مِنْكَ مُدَّخَرُ
Sayidkii rusushow ii soo gurmad waayo iima hadhin
Wax xeelad ah aan ahayn jacaylkaaga aan kaydsaday
لِلَّهِ مِيلادُكَ الغَالِي الذِي سَعِدَتْ
بِهِ البَسِيطَةُ وَانْجَابَتْ بِهِ الغِيَرُ
Alle ha u hillaadiyo dhalashadaada qaaliga ah ee ay ku faraxday
Adduunyadu, dhibaatooyinkiina ay ku suusheen
يَوْمٌ بِهِ ضَاءَتِ الدُّنْيَا فَمَا طَلَعَتْ
شَمْسٌ عَلَى مِثْلِهِ فِيهَا وَلَا قَمَرُ
Waa maalin ay dunidu iftiantay oo aanay marna soo bixin
Cadceed iyo dayax toona maalin la mid ahi
تَحِيَّةٌ لَكَ مِنْ قَلْبٍ مُعَطَّرَةٌ
يَزِيدُ عَرْفَ شَذَاهَا رَوْحُكَ العَطِرُ
Waa salaam udgoon oo kaa timid qalbi kuu daryeelaya
Oo carafteeda ay kordhinayso ruuxdaada carafta leh
وَقَائِلٍ لِيْ مَا تَشْتَاقُ قُلْتُ لَهُ
أَشْتَاقُ طَيْبَةَ شَوْقاً لَيْسَ يَنْحَصِرُ
Mid i weydiiyay waxaad u xiisaysaa ayaan ku idhi
Waxaan u xiisayaa Dayba xiiso aan xad lahayn
يَا قَائِدَ الجَوِّ أَنْزِلْنِي إِذَا لَمَعَتْ
لِعَيْنِكَ القُبَّةُ الخَضْرَاءُ وَالحُجَرُ
Duuliyaha hawadow i deji marka ay u muuqato
Ishaada qubbada cagaaran iyo qolalkii sharafta
هُنَاكَ أَقْصِدُ شُبَّاكَ الرَّسُولِ لِكَي    
أَسْتَغْفِرُ اللهَ حَيْثُ الذَّنْبُ يُغْتَفَرُ
Halkaas ayaan abbaarayaa daaqadda Rasuulka si aan
Alle u weydiisto dambi dhaaf meesha dambiga lagu dhaafo
عَلَيْكَ صَلَاةُ اللهِ مَا تُلِيَتْ    
فِي حَفْلِ مِيلادِكَ الآياتُ والسُوَرُ
Korkada ha ahaato naxariista Alle inta la akhriyayo
Xafladda dhalashadaada aayadaha iyo suuradaha Quraanka
والآلِ والصَحْبِ وَالأَتْبَاعِ قَاطِبَةً
والغَوثِ والقطبِ والأحبَابِ إذْ حَضَرُوا
Iyo ehelka, asxaabta iyo inta raacday dhammaantood
Iyo Gawska, Qudbiga iyo gacallada goob-joogga ah