يَا وَاهِبَ الْإِنْسَانِ أَسْبَابَ الْهُدَى
Allowow Deeqaha Binu-aadamka Asbaabta Hanuunka
So
يَا وَاهِبَ الْإِنْسَانِ أَسْبَابَ الْهُدَى
يَا مَنْ بِحَمْدِ الْعَالَمِينَ تَفَرَّدَا
Allow bixiyaha asbaabta hanuunka ee aadanaha
Allow kan kali ku ah ammaanta caalamka oo dhan
لِي عِنْدَ بَابِكَ يَا إِلَهِي دَعْوَةٌ
فِيهَا رَجَاءُ الْعُمْرِ جَاءَ مُجَسَّدَا
Albaabkaaga Allahayow waxaan ku leeyahay duco
Ay ku dhex muuqato rajadii cimrigayga oo dhan
أَنْتَ الَّذِي مَا خَابَ عِنْدَكَ سَائِلٌ
أَيَكُونُ بَابُكَ دُونَ سُؤْلِي مُؤْصَدَا
Adigu waxaad tahay kan uusan marna hungoobin qofka ku barida
Ma albaabkaaga baa noqonaya mid codsigayga laga soo xiray?
فَبِفَضْلِكَ اللَّهُمَّ عِشْتُ مُوَحِّدا
أَيُرَدُّ عِنْدَكَ مَنْ أَتَاكَ مُوَحِّدَا
Fadligaaga Allahayow waxaan ku noolaaday anoo midnimadaada qiraya
Ma la celinayaa qofka isagoo midnimadaada qiraya kuu yimid?
سُؤْلِي كَذَاتِكَ وَاحِدٌ فَبِحَقِّهَا
لَوْ لَحْظَةً دَعْنِي أُشَاهِدَ أَحْمَدَا
Codsigaygu waa mid sida nuxurkaaga oo kale ah, ee xaqiisa darteed
Inyar uun i oggolow inaan arko Axmad