صَلَاةُ الْبَدْرِيَّة
Saladda Badriyada
So
So
صَلَاةُ اللّٰه سَلَامُ اللّٰه
عَلَىٰ طٰهٰ رَسُولِ اللّٰه
Salliga Eebbe iyo nabad-galyadiisu
ha ahaato Daaha, Rasuulkii Eebbe
صَلَاةُ اللّٰه سَلَامُ الله
عَلَىٰ يٰسٓ حَبِيبِ الله
Salliga Eebbe iyo nabad-galyadiisu
ha ahaato Yaasiin, kii Eebbe jeclaa
تَوَسَّلْنَا بِبِسْمِ الله
وَبِالْهَادِي رَسُولِ الله
Waxaan u baryootannay magaca Eebbe
iyo kii hanuuniyaha ahaa, Rasuulkii Eebbe
وَكُلِّ مُجَاهِدٍ لِلّٰه
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Iyo halyeey kasta oo u halgamay Eebbe
ehelkii Badar dartiis, Alloow
إِلَهِي سَلِّمِ الْأُمَّةْ
مِنَ الْآفَاتِ وَالنِّقْمَةْ
Ilaahayow nabad-geli umadda
kana badbaadi masiibooyinka iyo ciqaabta
وَمِنْ هَمٍّ وَمِنْ غُمَّةْ
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Iyo welwelka iyo walbahaarka
ehelkii Badar dartiis, Alloow
إِلَهِي نَجِّنَا وَاكْشِفْ
جَمِيعَ أَذِيَّةٍ وَاصْرِفْ
Ilaahayow na badbaadi oo naga fayd
dhib kasta oo jira, nagana weeci
مَكَائِدَ الْعِدَا وَالْطُفْ
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Shirqoollada cadawga, noona naxariiso
ehelkii Badar dartiis, Alloow
إِلَهِي نَفِّسِ الْكُرَبَا
مِنَ الْعَاصِينَ وَالْعَطْبَا
Ilaahayow naga dulqaad dhibka
kaga yimid caasiyiinta iyo halaagga
وَكُلِّ بَلِيَّةٍ وَوَبَا
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Iyo balaayo kasta iyo cudurrada faafa
ehelkii Badar dartiis, Alloow
فَكَمْ مِنْ رَحْمَةٍ حَصَلَتْ
وَكَمْ مِنْ ذِلَّةٍ فَصَلَتْ
Intee naxariisood ayaa lagu guulaystay
intee dulleynna waa la iska leexiyay
وَكَمْ مِنْ نِعْمَةٍ وَصَلَتْ
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Intee fadliyo ah baa noo yimid
ehelkii Badar dartiis, Alloow
وَكَمْ أَغْنَيْتَ ذَا الْعُمْرِ
وَكَمْ أَوْلَيْتَ ذَا الْفَقْرِ
Intee qof oo weyn baad hodan ka dhigtay
intee tabaalaysanna baad deeq siisay
وَكَمْ عَافَيْتَ ذَا الْوِزْرِ
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Intee dembiile baad caafimaad siisay
ehelkii Badar dartiis, Alloow
لَقَدْ ضَاقَتْ عَلَى الْقَلْبِ
جَمِيعَ الْاَرْضِ مَعَ رَحْبِ
Qalbiga waxaa ku cidhiidhyantay
dhulka oo dhan inkastuu ballaadhan yahay
فَانْجُ مِنَ الْبَلَا الصَّعْبِ
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Haddaba naga badbaadi balaayada adag
ehelkii Badar dartiis, Alloow
أَتَيْنَا طَالِبِي الرِّفْقِ
وَجُلِّ الْخَيْرِ وَالسَّعْدِ
Waxaan nimid anagoo naxariis doon ah
iyo wanaag badan iyo barwaaqo
فَوَسِّعْ مِنْحَةَ الْأَيْدِي
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Haddaba ballaadhi deeqda gacmahaaga
ehelkii Badar dartiis, Alloow
فَلَا تَرْدُدْ مَعَ الْخَيْبَةْ
بَلِ اجْعَلْنَا عَلَى الطَّيْبَةْ
Ha nagu soo celin hungo iyo khasaare
balse nagu sug wanaagga iyo kheyrka
أَيَا ذَا الْعِزِّ وَالْهَيْبَةْ
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Alloow adigaa leh cissi iyo haybad
ehelkii Badar dartiis, Alloow
وَإِنْ تَرْدُدْ فَمَنْ نَأْتِي
بِنَيْلِ جَمِيعِ حَاجَاتِي
Haddaad na soo celiso, yaad u tagnaa
si aan u helno dhammaan baahiyahayaga
أَيَا جَالِي الْمُلِمَّاتِ
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا الله
Alloow adigaa fayda masiibooyinka
ehelkii Badar dartiis, Alloow
إِلَهِي أَغْفِرْ وَأَكْرِمْنَا
بِنَيْلِ مَطَالِبٍ مِنَّا
Ilaahayow noo dambi dhaaf oo na gobee
adoo noo fulinaya codsiyadayada
وَدَفْعِ مَسَاءَةٍ عَنَّا
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا اَللّٰه
Iyo adoo naga fogaynaya dhib kasta
ehelkii Badar dartiis, Alloow
إِلَهِي أَنْتَ ذُو لُطْفٍ
وَ ذُو فَضْلٍ وَ ذُو عَطْفٍ
Ilaahayow adigu waxaad tahay mid naxariis badan
mid fadli leh oo u naxariista adoomadiisa
وَكَمْ مِنْ كُرْبَةٍ تَنْفِي
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا اَللّٰه
Intee dhib iyo ciriiri baad naga kaxaysay
ehelkii Badar dartiis, Alloow
وَصَلِّ عَلَى النَّبِي الْبَرِّ
بِلَا عَدٍّ وَلَا حَصْرٍ
Oo salli Nabiga wanaagsan dushiisa
salli aan tirsan lahayn oo aan dhammaanayn
وَآلِ سَادَةٍ غُرٍّ
بِأَهْلِ الْبَدْرِ يَا اَللّٰه
Iyo ehelkiisii, madaxdii sharafta lahayd
ehelkii Badar dartiis, Alloow