الْمُزْدَوِجَةُ الْحَسْنَاءُ فِي الْاِسْتِغَاثَةِ بِأَسْمَاءِ اللهِ الْحُسْنَى
Lammaanaha Quruxda Badan ee Gurmad-waydiisashada Magacyada Alle ee Ugu Quruxda Badan
So
الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي تَحَمَّدَا
كَلَّمَ مُوسَى وَاصْطَفَى مُحَمَّدَا
Mahad Eebbaa leh ee isagu is ammaanay
Muuse la hadlay Maxamedna doortay
ثُمَّ الْصَّلَاةُ وَالْسَّلَامُ تُهْتَدَى
لِخَيْرِ مُرْسَلٍ هَدَى وَسَدَّدَا
Markaasna naxariis iyo nabad ha ku hagaageen
Rasuulka ugu khayrka badan ee na hanuuniyey
وَالْآلِ وَالْصَّحْبِ وَمَنْ يَهْدِينَا
Iyo ehelka, asxaabta iyo kii na hanuuniyaba
بِاسْمِ الْإِلَهِ وَبِهِ بَدِينَا
وَلَوْ عَبَدْنَا غَيْرَهُ شَقِينَا
Magaca Ilaahay iyo isagaan ku bilownay
Haddii aan kale caabudi lahaynna waan dhibtooneen
يَا حَبَّذَا رَبًّا وَحَبَّ وَدِينَا
وَحَبَّذَا مُحَمَّدٌ هَادِينَا
Ma barako badna Rabbigeenna iyo diinteenna
Ma barako badna Maxamed ee hanuuniyahayaga ah
لَوْلَاهُ مَا كُنَّا وَلَا بَقِينَا
Isaga la'aantiis ma aanan jirneen mana hadneen
الْلَّهُمَّ لَوْلَا أَنْتَ مَا اهْتَدَيْنَا
وَلَا تَصَدَّقْنَا وَلَا صَلَّيْنَا
Alloow haddaanad adigu jirin ma aanan hanuunneen
Waxna ma aanan sadaqaysteen mana tukanneen
فَأَنْزِلَنْ سَكِينَةً عَلَيْنَا
وَثَبِّتِ الْأَقْدَامَ إِنْ لَا قَيْنَا
Marka soo deji xasilooni korkayaga
Oo sug gomadyada markaan colka la kulanno
نَحْنُ الْأُ لَى جَاؤُوكَ مُسْلِمِينَا
Innagu waxaan nahay kuwii kuu yimid annagoo muslimiin ah
وَالْمُشْرِكُونَ قَدْ بَغَوْا عَلَيْنَا
إِذَا أَرَادُوا فِتْنَةً أَبَيْنَا
Mushrikiintiina way nagu xad-gudbeen
Haddii ay fitno rabaanna waan diidnay
وَقَدْ تَدَاعَى جَمْعُهُمْ عَلَيْنَا
طِبْقَ الْأَحَادِيثَ الَّتِي رَوَيْنَا
Waxaana nagu soo shirtay qoladoodii
Sidii ku jirtay axaadiistii aan werinnay
فَارْدُدْهُمُ الْلَّهُمَّ خَاسِرِينَ
Alloow dib u celi iyagoo khasaarsan
اللَّهُ يَا رَحْمَنُ يَا رَحِيمُ
اللَّهُ يَا حَيُّ وَيَا قَيُّومُ
Allaahow Naxariistaha guud iyo kan gaarka ah
Allaahow kan Nool ee kawnka Maamula
اللَّهُ يَا قَوِيُّ يَا قَدِيمُ
اللَّهُ يَا عَلِيُّ يَا عَظِيمُ
Allaahow kan Xoogga badan ee Jiritaankiisu horeeyey
Allaahow kan Sarreeya ee Weyn
لَا يَنْبَغِي لِلْظُّلْمِ أَنْ يَعْلُونَا
Ma habboona in dulmigu naga sarreeyo
اللَّهُ يَا لَطِيفُ يَا عَلِيمُ
اللَّهُ يَا رَؤُوفُ يَا حَكِيمُ
Allaahow kan wax walba u dhuun daloola ee og
Allaahow kan naxariista badan ee xamiidka ah
اللَّهُ يَا تَوَّابُ يَا حَلِيمُ
اللَّهُ يَا وَهَّابُ يَا كَرِيمُ
Allaahow kan tawbad-aqbalaha ah ee dulqaadka badan
Allaahow kan wax bixiyaha ah ee deeqsiga ah
هَبْنَا الْعُلَا وَاجْعَلْ عِدَانَا الْدُّونَا
Na sii darajo sare, cadowgayagana hoos ka dhig
اللَّهُ يَا مَالِكُ يَا مُنِيرُ
اللَّهُ يَا مَلِيكُ يَا قَدِيرُ
Allaahow kan wax walba leh ee iftiimiyaha ah
Allaahow boqorka awoodda leh
اللَّهُ يَا مَوْلَى وَيَا نَصِيرُ
اللَّهُ أَنْتَ الْمَلِكُ الْكَبِيرُ
Allaahow kan gargaaraha iyo kaaliyaha ah
Allaahow adigu waxaad tahay Boqorka Weyn
لَيْسَ عِدَانَا لَكَ مُعْجِزِينَا
Cadowgayagu ma aha kuwo adiga kaa baxsan kara
اللَّهُ يَا شَاكِرُ يَا شَكُورُ
اللَّهُ يَا عَفُوُّ يَا غَفُورُ
Allaahow kan u mahadceliya ee mahadda mudan
Allaahow kan cafiska badan ee dambi dhaafka badan
اللَّهُ يَا عَالِمُ يَا خَبِيرُ
اللَّهُ يَا فَتَّاحُ يَا بَصِيرُ
Allaahow kan wax walba og ee xog-ogaalka ah
Allaahow kan khayrka fura ee wax walba arka
لَا تَحْرِمْنَا فَتْحَكَ الْمُبِينَا
Ha naga xarimin guushaada muuqata
اللَّهُ يَا ظَاهِرُ يَا جَلِيلُ
اللَّهُ يَا بَاطِنُ يَا وَكِيلُ
Allaahow kan muuqda ee sharafta leh
Allaahow kan qarsoon ee la isku halleeyo
اللَّهُ يَا صَادِقُ يَا جَمِيلُ
اللَّهُ يَا حَافِظُ يَا كَفِيلُ
Allaahow kan runta badan ee quruxda badan
Allaahow kan ilaaliyaha ah ee dammiinka ah
كُنْ حَافِظًا لَنَا وَكُنْ مُعِينَا
Noo noqo mid na ilaaliya iyo mid na kaalmeeya
اللَّهُ يَا غَنِيُّ يَا حَمِيدُ
اللَّهُ يَا مُغْنِي وَيَا رَشِيدُ
Allaahow kan hodanka ah ee la mahadiyo
Allaahow kan wax hodniya ee toosiya
اللَّهُ يَا مُبْدِئُ يَا مُعِيدُ
اللَّهُ يَا عَزِيزُ يَا مَجِيدُ
Allaahow kan wax bilaaba ee soo celiya
Allaahow kan sharafta iyo weynida leh
لِعِزِّكَ الْتَّوْحِيدُ يَشْكُو الْهُوْنَا
Sharaftaada darteed ayuu tawxiidku kaaga cabanayaa dullinimada
اللَّهُ يَا قَادِرُ يَا مُقْتَدِرُ
اللَّهُ يَا قَاهِرُ يَا مُؤَخِّرُ
Allaahow kan awoodda leh ee awoodda sarreeya leh
Allaahow kan xoogga ku muquuniya ee dib dhiga
اللَّهُ يَا فَاطِرُ يَا مُصَوِّرُ
اللَّهُ يَا مُحْصِي وَيَا مُدَبِّرُ
Allaahow kan wax abuura ee qaabeeya
Allaahow kan wax walba tiriya ee maamula
دَبِّرْ لَنَا وَدَمِّرِ الْعَادِينَا
Noo maamul oo baabi'i kuwa nagu xad-gudbay
اللَّهُ يَا دَائِمُ لَا يَمُوتُ
اللَّهُ يَا قَائِمُ لَا يَفُوتُ
Allaahow kan waaraya ee aan dhimanayn
Allaahow kan taagan ee aan la dhaafayn
اللَّهُ يَا مُحْيِي وَيَا مُمِيتُ
اللَّهُ يَا مُغِيثُ يَا مُقِيتُ
Allaahow kan nooleeya ee dila
Allaahow kan gurmada ee quudiya
كُنْ غَوْثَنَا وَحِصْنَنَا الْحَصِينَا
Noo noqo gargaarahayaga iyo qalcaddayada adag
اللَّهُ يَا بَاسِطُ أَنْتَ الْوَاسِعُ
اللَّهُ يَا قَابِضُ أَنْتَ الْمَانِعُ
Allaahow kan risqiga bixiya ee waasica ah
Allaahow kan cidhiidhya ee diida
اللَّهُ يَا خَالِقُ أَنْتَ الْجَامِعُ
اللَّهُ يَا خَافِضُ أَنْتَ الْرَّافِعُ
Allaahow kan abuura ee kulmiya
Allaahow kan hoos u dhiga ee sare u qaada
اِرْفَعْ مَعَالِينَا لِعِلِّيِّينَا
Sharafteena kor ugu qaad darajada sare
اللَّهُ ذُو الْمَعَارِجِ الْرَّفِيعُ
اللَّهُ يَا وَافِي وَيَا سَرِيعُ
Allaahow kii darajooyinka sare lahaa
Allaahow kii oofiya balanta ee degdegga ahaa
اللَّهُ يَا كَافِي وَيَا سَمِيعُ
يَا نُورُ يَا هَادِي وَيَا بَدِيعُ
Allaahow kii ku filnaa ee wax maqlaa
Iftiinkow, Hunuuniyahow, Abuure-naadir-ahow
أَدَّبْتَنَا بِمَا جَرَى يَكْفِينَا
Waxaad nagu edbisay waxa dhacay ee nagu filan
اللَّهُ ذُو الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ
اللَّهُ ذُو الْطَّوْلِ عَلَى الْدَّوَامِ
Allaahow kii weynida iyo sharafta lahaa
Allaahow kii fadliga joogtada ah lahaa
اللَّهُ يَا ذَا الْفَضْلِ وَالْإِنْعَامِ
وَالْسَّيِّدُ الْمِطْلَقُ لِلْأَنَامِ
Allaahow kii fadliga iyo nicmooyinka lahaa
Iyo sayidka rasmiga ah ee makhluuqa
ارْحَمْ عَبَيْدًا لَكَ عَابِدِينَا
U naxariiso adoomo yar-yar oo ku caabudaya
اللَّهُ يَا أَوَّلُ أَنْتَ الْوَاحِدُ
اللَّهُ يَا آخِرُ أَنْتَ الْرَّاشِدُ
Allaahow adaa kowaad ah oo kaliya ah
Allaahow adaa u dambeeya oo hanuuniyaha ah
يَا وِتْرُ يَا مُتَكَبِّرُ يَا وَاجِدُ
يَا بَرُّ يَا مُتَفَضِّلُ يَا مَاجِدُ
Kismow, Weyneeyow, Helow qani ah
Wanaag-faleeyow, Fadli-leeyow, Sharaf-leeyow
بِفَضْلِكَ اقْبَلْنَا عَلَى مَا فِينَا
Fadligaaga nagu aqbal wax kasta oo nagu jira
اللَّهُ يَا مُبِينُ يَا وَدُودُ
اللَّهُ يَا مُحِيطُ يَا شَهِيدُ
Allaahow kan caddeeya ee jecel adoomada
Allaahow kan wax walba koobay ee maragga ah
اللَّهُ يَا مَتِينُ يَا شَدِيدُ
يَا مَنْ هُوَ الْفَعَّالُ مَا يُرِيدُ
Allaahow kan xoogga badan ee adag
Kan isagu sameeya waxa uu doono
إِنَّا ضِعَافٌ لَكَ قَدْ لَجِينَا
Waxaan nahay daciifiyayaal kuu soo magan galay
اللَّهُ يَا مُعِزُّ يَا مُقَدِّمُ
اللَّهُ يَا مُذِلُّ يَا مُنْتَقِمُ
Allaahow kan wax xormeeya ee hormariya
Allaahow kan dulleeya ee aarsada
الْبَادِئُ الْبَاقِي فَلَا يَنْعَدِمُ
الْمُحْسِنُ الْوَالِي الْحَفِيظُ الْأَكْرَمُ
Kan bilaabay ee waaraya ee aan dhammaanayn
Wanaag-falaha, Maamulaha, Ilaaliyaha, Ka ugu deeqsisan
ليسَ لَنَا سِوَاكَ مَنْ يَحْمِينَا
Ma lihin cid kale oo naga kaa soke difaacda
اللَّهُ يَا وَارِثُ أَنْتَ الْأَبَدُ
اللَّهُ يَا بَاعِثُ أَنْتَ الْأَحَدُ
Allaahow kan dhaxlaya ee waaraha ah
Allaahow kan soo nooleeya ee keliga ah
يَا مَالِكَ الْمُلْكِ الْإِلَهُ الْصَّمَدُ
لَا كُفُوءٌ لَا وَالِدٌ لَا وَلَدُ
Boqorka boqornimada leh Ilaaha la kaashado
Mid la mid ah ma jiro, waxna ma dhalin isna lama dhalin
كُفَّ الْعِدَا عَنَّا فَقَدْ أُوذِينَا
Cadowga naga qabo waayo waa nala dhibaye
اللَّهُ يَا غَالِبُ يَا قَهَّارُ
اللَّهُ يَا نَافِعُ أَنْتَ الْضَّارُّ
Allaahow kan guulaysta ee muquuniya
Allaahow kan wax anfaca adaa waxna yeeli kara
اللَّهُ يَا بَارِئُ يَا غَفَّارُ
يَا رَبُّ يَا ذَا الْقُوَّةِ الْجَبَّارُ
Allaahow kan abuuraha ah ee dambi-dhaafiyaha ah
Rabbow kii xoogga badnaa ee awoodda badnaa
قَوِّمْ لَنَا الْدُّنْيَا وَقَوِّ الْدِّينَا
Adduunyada noo hagaaji diintana noo adkee
اللَّهُ رَبُّ الْعِزَّةِ الْسَّلَامُ
الْمُؤْمِنُ الْمُهَيْمِنُ الْعَلَّامُ
Allaahow Rabbiga sharafta iyo nabadgelyada leh
Kan aamin-geliyaha ah, kii wax ilaalinayay, kii wax ogaa
ذُو الْرَّحْمَةِ الْأَعْلَى الْأَعَزُّ التَّامُّ
مَنْ دِينُهُ الْحَقُّ هُوَ الْإِسْلَامُ
Kan naxariista leh, kan sarreeya, kii sharafta badnaa
Kan diintiisu tahay xaqa ee ah Islaamka
قَيِّضْ لَهُ الْلَّهُمَّ نَاصِرِينَا
Alloow diintaas u fududeey cid u gargaarta
اللَّهُ أَنْتَ الْمُتَعَالِي الْحَكَمُ
الْفَرْدُ ذُو الْعَرْشِ الْوَلِيُّ الْأَحْكَمُ
Allaahow adaa sarreeya oo ah xaakinka
Keligow kii carshiga lahaa, gacaliyaha, kii xigmada badnaa
الْغَافِرُ الْمُعْطِي الْجَوَادُ الْمُنْعِمُ
الْعَادِلُ الْعَدْلُ الْصَّبُورُ الْأَرْحَمُ
Dambi-dhaafiyaha, Bixiyaha, Deeqsiga, Nicmeeyaha
Caddaalad-falaha, Caddaaladda qudheeda, Dulqaad-badnaha, Naxariis-badnaha
مَكِّنْ لَنَا فِي أَرْضِنَا تَمْكِينَا
Noogu adkee dhulkayaga dhexdiisa si sugan
اللَّهُ يَا قُدُّوسُ يَا بُرْهَانُ
يَا بَرُّ يَا حَنَّانُ يَا مَنَّانُ
Allaahow kan daahirka ah ee xujada ah
Wanaag-faleeyow, Naxariisteeyow, Deeqsiyow
يَا حَقُّ يَا مُقْسِطُ يَا دَيَّانُ
تَبَارَكَتْ أَسْمَاؤُكَ الْحِسَانُ
Xaq-yow, Caddaalad-faleeyow, Abaal-mariyeeyow
Waxaa barakoobay magacyadaada quruxda badan
بِهَا قَرَعْنَا بَابَكَ الْمَصُونَا
Iyaga ayaan ku garaacnay albaabkaaga la ilaaliyo
اللَّهُ يَا خَلَّاقُ يَا مُنِيبُ
اللَّهُ يَا رَزَّاقُ يَا حَسِيبُ
Allaahow kan wax abuura ee loo soo laabto
Allaahow kan risqiga bixiya ee xisaabiya
اللَّهُ يَا قَرِيبُ يَا رَقِيبُ
الْمُسْتَعَانُ الْسَّامِعُ الْمُجِيبُ
Allaahow kan dhow ee wax ilaaliya
Midka la kaashado, Maqleha, Aqbalaha
إِنَّا دَعَوْنَاكَ اسْتَجِبْ آمِينَا
Waxaan ku baryanay ee naga aqbal, Aamiin