هَذَا الْمَقَامُ الَّذِي لَاذَتْ بِهِ الْأُمَمُ
Kani waa maqaamka ay ummaduhu u soo magan galeen.
So
هَذَا الْمَقَامُ الَّذِي لَاذَتْ بِهِ الْأُمَمُ
وَأَذْعَنَتْ لِعُلَاهُ الْعُرْبُ وَالْعَجَمُ
Kani waa maqaamkii ay quruumuhu magan-galeen
oo ay sarreyntiisa u hoggaansameen Carab iyo Cajamba.
هَذَا مَقَامُ رَسُولِ اللَّهْ أَكْرَمُ مَنْ
جَاءَتْهُ مِنْ رَبِّهِ الْأَحْكَامُ وَالْحِكَمُ
Kani waa maqaamkii Rasuulkii Eebbe, kii ugu sharrifsanaa
ee ay xagga Rabbigiis uga yimaadeen axkaam iyo xikmado.
هَذَا مُحَمَّدُ الْهَادِي الَّذِي مُحِيَتْ
عَنَّا بِنُورِ هُدَاهُ الْظُّلْمُ وَ الْظُّلَمُ
Kani waa Muxammadkii hanuuniyaha ahaa, kii lagu tirtiray
nuurka hanuunkiisa dulmigii iyo gudcurradii naga kor ahaa.
هَذَا الَّذِي قَدْ سَمَا فَوْقَ الْسَّمَا
إِلَى مَقَامِ عِزٍّ تَنَاهَتْ دُونَهُ الْأُمَمُ
Kani waa kii kor ugu kacay meel ka sarreysa samooyinka
ilaa maqaam cisso ah oo ay quruumuhu ka hooseeyaan.
يَا سَيِّدِي يَا رَسُولَ اللَّهْ يَا أَمَلِي
يَا مَنْ أَلُوذُ بِهِ إِنْ زَلَّتِ الْقَدَمُ
Sayidkaygiyow, Rasuulkii Alloow, rajadaydiyow
kii aan magan-gelayayow haddii ay cagtu i siibato.
بِكَ اهْتَدَيْتُ إِلَى الْإِيمَانِ فَاتَّصَلَتْ
بِذَاكَ عِنْدِي مِنْ أَفْضَالِكَ الْنِّعَمُ
Adigaan kugu hanuunay iimaanka, waxaana iisoo taxnaaday
nimcooyinka fadligaaga ka yimid ee agtayda yaalla.
صَلَّى عَلَيْكَ إِلَهُ الْخَلْقِ مَا سَجَعَتْ
وَرْقٌ وَمَا هَطَلَتْ مِنْ سُحْبِهَا دِيَمُ
Waxaa kugu salliyey Eebihii uumanka inta ay gabyeyso
qamaamtu, iyo inta ay daruuruhu shubayaan roobka dushooda.